Wadaadka dhowaan wadahadalka la furay dowladda Federaalka, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Labada nin oo hore uga wada tirsnaa kooxda Alshabaab isla markaana ay muddo dheer isugu danbeysay ayaa kulankoodu imaanayaa kadib markii uu dalbaday Sheekh Roobow, waxaana la sheegay inuu ahaa la-tashi ku saabsan xaaladda cusub iyo doorka Sheekh Roobow ka qaadan karo.
Sheekh Roobow ayaa dalbaday inuu la kulmo Axmed Madoobe oo khadka telefoonka ay ku xiriireen, waxaana wararka laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in labada nin ay ka wadahadalayaan iskaashi dhex mara oo ka dhan ah Alshabaab.
Waxaa Sheekh Roobow safarkiisa ku wehliya wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed oo hormuud u ahaa mas’uuliyiintii waanwaanta la gashay Roobow, iyadoo weli aan la ogeyn xilka uu hayo iyo kaalinta uu qaadan doono Sheekh Mukhtaar Roobow.