Wednesday, June 25, 2025

XOG: Shirkadda ECCO oo salka la gashay Qabiil & C/weli Gaas oo soo farageliyay arrinta Dhulka Biyaasa Liibaro

Shirkadda nadaafadda Magaalada Muqdisho ee ECCO ayaa soo dhex gashay dood ka taagan dhul dan guud ah oo laga siiyay ceelgaabta goobta loo yaqaan Biyaaso Liibaro. wuxuuna Maareeyaha Shirkadda ku dooday inay xaq u leeyihiin in dhulkaasi ay ku shaqeystaan.

Maareeyaha ECCO Maxamud Yuusuf  Xasan ayaa ku dooday inay la mid yihiin dadka hantida guud la siiyey sida beerta nabadda iyo xarumaha kale ee dowladda kuna shaqeysta oo aanu ogeyn sababta loo faquuqayo shirkadooda oo heshiis la gashay maamulka G/Banaadir.

Waxay markii ugu horeysay Shirkada ECCO sheegtay inay heshiiska nadaafadda ee mamulka Gobolka banaadir ay la gashay uu dhulka Biyaaso iLibaro u saxiixay guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, isla markaana inay ku shaqeystaan u fasaxay maamulkii ka danbeeyay ee Gudoomiye Taabit, isaguna aanu garan karin sababta la isugu tuurtuurayo.

Mudane Maxamud Yuusuf oo ay ka muuqato inuu si weyn uga careysan yahay sababta looga daba qeylinayo dhul shirkadooda la siiyay inay ku shaqeyso oo aan looga hadlin shirkadaha kale ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu soo farageliyay arrinta shirkadda ECCO, isagoo kala hadlay madaxweyne Farmaajo in shirkaddan loo fasaxo howlaheeda iyo dhulka la siiyay, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu aqbalay isla markaana Maamulka Gobolka Banadir uu raadinayo iminka qaab dib loogu fasaxo shirkadda ECCO inay sii wadato dhismaha Biyaaso Liibaro.

Arrintan ayaa muujineysa in shirkadda ECCO oo uu heshiis gaara Muqdisho ku keenay madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay hadda isu bedeshay mid ku taagan qaab qabiil iyo 4.5 oo ay hantida guud ee Muqdisho ku dooneyso inaysan shirkadaha hal beel kaliya xaq u yeelan.

KASHIFAAD: Sidee Shirkadda ECCO ula wareegtay mid ka mida shaqadii Dowladda Hoose ee Muqdisho.?

Yaa bixiyay amarka dhismaha Barxadda Biyaaso Liibaro..? [Taabit mise Yuusuf Jimcaale -AKhriso Dokument]

Duqii hore Yuusuf Jimcaale oo Qarxiyay Cidda bixisay Barxadda Paisa Libero ee Magaalada Muqdisho [Daawo]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON