Wednesday, June 25, 2025

XOG: Sidee Guddoomiye Mursal ugu biiray ololaha Dib u Doorashada Madaxweyne Farmaajo, Maxaa isbedelay?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii xoojisay dadaalka ay ugu jirto inay ku hanato madaxda guddoonka Golaha Shacabja iyo maamul Goboleedyada si ay gacan uga siiyaan dib u doorashada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka (MURSAL IYO MUUDEY) ayaa saaxiibo dhow la ahaa Madaxweyne Farmaajo, waxayna iska kaashadeen Doorashadii Qof iyo Codka ahayd ee socon weyday iyo Mooshinkii lagu riday xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo aan wax hadal ah ka keenin waqtigii dheeraa ee magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub qaadatay, si fudud u ansixiyey heshiiskii Doorashada iyo dhammaan guddiyadii iyo hindiseyaashii ay boobsiiyey xukuumadii xil-gaarsiinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo kuxigeenkiisa koowaad C/weli Ibrahim Muudey ayaa dhowaan la kulmay musharixiinta Mucaaradka, iyadoo warar hoose sheegeen inuusan fiicneyn xiriirka kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, laakiin tallaabo degdeg ayey qaadatay Madaxtooyada oo xaaladaasi wax ka bedeshay.

Xogta ayaa sheegeysa in Guddoomiye Mursal uu heshiis hoose la galay madaxweyne Farmaajo, haddana uu ka shaqeynayo qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna kasoo muuqday kulamadii ugu danbeeyay ee ololaha Madaxweyne Farmaajo ugu jiro in dib loo doorto, sida kulankii uu la yeeshay guddoonka iyo xildibaannada Galmudug.

Mursal oo musharixiinta mucaaradka u arkayeen in loo adeegsan karo si meesha looga saaro Farmaajo ayaa hadda u xuub siibtay nin la saftay Madaxweynaha oo barbar taagan difaaca ugu weyn Madaxweynaha ee Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, laakiin waxaa meesha ka baxay guddoomiye ku xigeenka C/weli Muudey oo dalka ka safray xilligan.

Qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo oo diidmo xoog leh kala kulmaya maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalena uu culeys ka heysto Musharixiinta midoobay ee mucaaradka ah iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa hadda taageero ka heysta saddex maamul Goboleed iyo Guddoomiye Mursal.

In guddoomiye Mursal ku biiro ololaha dib u doorashada Farmaajo waxay ka dhigan tahay inay meesha ka baxeyso rajadii yareyd ee laga qabay in Baarlamaanka hadda jira uu madaxweyne cusub doorto ama halis ku noqdo qorshaha Doorashada ee Farmaajo, inkastoo aan la ogeyn sida Madaxtooyada isugu halleyn karto Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON