Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa u muuqda inay arrinta Doorashada u midoobeen sidii ay uga hortegi lahaayeen Qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka.
Arrintan ayaa soo shaac baxday kulanka Khadka Internetka ee ZOOM-ka iyo Whatsapp-ka ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada 22-kii June, kaasoo saaxiibadii ugu dhowaa Madaxweynaha sida Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen uu si weyn uga hor yimid waxa ka socda Baarlamaanka Federaalka ee ansixinta xeerarka Doorashada.
Kulankaasi wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku qasbanaaday inuu ogolaado inuu hakiyo doodaha ka socday Baarlamaanka Federaalka ee xeerarka Doorashada, iyadoo uu haddana fulin waayey qodobkaasi shuruud u ahaa kulanka baaqday ee 5-8 July oo markii danbe Madaxweynaha ku dhawaaqay.
Kulanka 22-ka June ayaa ahaa mid uu madaxweyne Farmaajo uga hortegay War-saxaafadeed ay soo saari lahaayeen madaxda maamul Goboleedyada oo xilligaasi ay shirar hoose ka yeesheen xaaladda Doorashada dalka, isagoo si degdeg u qabanqaabiyay kulanka uu la yeelanayo madaxda Maamul Goboleedyada.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si cad uga hor yimid Madaxtooyada Soomaaliya ee Doorashada markii uu taageeray baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare, waana madaxweynaha saddexaad ee ugu fog marka lagu daro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland; wuxuuna dagaal qaraar oo siyaasadeed kala dhaxeeyaa Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.
Madaxweynaha Galmudug oo qaatay tallaabo aanu si cad ugu muujin mowqifkiisa ayaa isna dhinac maray Madaxtooyada, wuxuuna qeyb weyn ka yahay qabanqaabada shirarka madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee lagu doonayo in mowqif mideysan looga qaato Doorashada la isku khilaafsan yahay.
Madaxweyne Farmaajo oo hore u go’doomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare markii uu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashada ayaa dhinaca kale isbaheysi la sameystay Guddoonka Golaha Shacabka oo ku shaqeynaya muddo kordhin iyo Doorasho Qof iyo Cod ah, isagoo sii luminaya madaxdii maamul Goboleedyada ee ugu dhowaa maamulkiisa, qaarkoodna ay dowladiisa ku bixisay kharash iyo xoog sidii loo dooran lahaa.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa sii watay shirarkooda u gaarka ah, waxayna ka baaqsadeen shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, waxayna kaas bedelkiisa shir u gaara ka yeelanayaan magaalada Dhuusamaareeb iyadoo uu martigelinayo Madaxweynaha Galmudug.
Arrimahan oo dhan waxa muujinayaan in Qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo guddoonka Golaha Shacabka ee Doorashada uu wajahayo halis ah inuu meesha ka baxo.