Tuesday, July 1, 2025

XOG: Sidee Maxamed Farmaajo u badbaadiyay rajadii Xildhibaan ee Maxamed Mursal Sheekh..?

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gurmad siyaasadeed u fidiyay saaxiibkii kala shaqeeyay muddo kororsiga guddoomiyihii Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xaaladda Mursal iyo rajadiisa inuu dib ugu soo laabto Baarlamaanka 11-aad ayaa ahayd mid aad u liidata, waxayna xaaladiisu taagneyd inuusan tegin magaalada Baydhaba, iyadoo ay ka horjeedeen Odayaasha Jufadiisa iyo madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.

Olole uu qaaday Maxamed Farmaajo ayaa suuragal ka dhigay in Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen lagu qanciyo inuu soo Saar Maxamed Mursal, una daayo kursigiisa, arrintaas oo aan ahayn mid sahlan ayaa waqti iyo kharashba ka galay Farmaajo iyo kooxdiisa ololaha doorashada ee uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin.

Maxamed Mursal Sheekh oo Baydhaba tegay ayaa shalay qaatay Shahaadda musharaxnimo ee kursika HOP#56, waxaana uu hadda leeyahay rajo ah inuu mar kale xildhibaan ka noqdo Baarlamaanka 11-aad.

Badbaadinta rajada Maxamed Mursal ee inuu dib u heli kursiga Baarlamaanka 11-aad ayaa ah taageero uu Farmaajo ku abaal marinayo taageeradii uu siiyay xilligii ugu danbeeyay muddo xileedkiisa sida mooshinkii xil ka qaadista Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre iyo Muddo kororsigii fashilmay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON