Wednesday, June 25, 2025

Xog Sirdoon oo laga helay weeraro Alshabaab u qorsheysay Doorashada Soomaaliya [Akhriso]

Warar laga helo ilo sirdoon ayaa sheegaya kooxda Alshabaab ay weeraro culus u qorsheysay Doorashada Soomaaliya.

Ilaha Sirdoon oo ka yimid Mareykanka iyo Itoobiya ayaa lagu wargeliyay dowladda Soomaaliya in Alshabaab ay dhameysay qorshe weyn oo ah weeraro lagu ekeeyo magaalada Muqdisho ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya, inta ay socoto iyo kadib intaba.

Urur Goboleedka IGAD ayaa shalay ka digay weeraro Alshabaab ku qaadaan dowladda Soomaaliya, waxayna ku baaqday in laga feejignaado weeraro hor leh oo Alshabaab ku qaadaan bartilmaameedyo.

Warar ku dhow hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in howlgallo ammaan oo dheeraad ah la qaadi doono iyadoo doorashada darteed la filayo in gebi ahaanba la xiro caasimadda Muqdisho.

Alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysato Muqdisho xilliyada kala guurka ah, waxaana la xusuustaa inay hotelka Jazeera ku weeraraan sanadkii 2012 madaxweynihii la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga in hay’adaha Ammaanka Muqdisho ku shaqeyn doonaan xogaha sirdoon ee la siiyay iyo in weeraradu u dhici doonaan sidii hore.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON