Sunday, June 22, 2025

XOG: Sirta ku Qarsoon Kursiga dhex yaalla Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf (Sidee lagu qancinayaa Oday Xaaf?)

Labada Kursi ee Aqalka sare oo dib loo dhigay inay doorashadooda ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaa ka mida kursiga laga soo doorto Galmudug ee uu xilligan ku fadhiyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid.

Kursigan oo ay leedahay Beesha Sacad, waxaa xiiso weyn u yeelaya markii uu isu soo sharxay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka mid ahaa madaxdii Galmudug ee xilka looga qaaday dagaalka siyaasadeed ee ay ku qaaday kooxda Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

Xaqiiqada qarsoon ee kursigan waa inuu dhex yaalla siyaasiyiinta beesha ay kasoo wada jeedaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf, laakiin doorashadii 2016 waxaa qaatay Cabdi Qeybdiid, halka Axmed Geelle Xaaf uu markaas isu diyaariyey inuu u tartamo kursiga Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka, kaasoo qorshe musuq ah uga qaatay Axmed Macalin Fiqi.

Ad

SIDEE XAAF KU WAAYEY KURSIGII GOLAHA SHACABKA 2016?

Doorashadii magaalada Cadaado ka dhacday 28 Novembar 2016 wuxuu Ganacsade Axmed Ducaale Geelle Xaaf isu sharxay kursiga jufadiisa ee Golaha, kaasoo uu muddo ku fadhiyey, waxaana la filayey inuu La tartamo Axmed Macallin Fiqi, laakiin waxaa dhacday inuu tartanka si lama filaan ah uga haray, waxaana laga waayey goobtii doorashada oo kaliya ay soo xaadireen Musharax Axmed Maclin Fiqi iyo ergo taageersan, sidaasina uu kusoo baxay Xildhibaan Fiqi, taasoo soo afjartay rajadii xildhibaannimo ee Axmed Geelle Xaaf oo xilligaas aan markii hore u aadin Aqalka Sare.

RAADRAAC: Sidee Axmed Fiqi ku nqoday Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka

- Advertisement -

Dhinaca kale 15 Bishii Oktoobar 2016 ayaa Cabdi Qeybdiid si fudud loogu doortay senatoor ka tirsan Aqalka Sare ee Barlamaanka, waxaana La tartamay Musharaxa Maxamed Xuseen Tahliil, isagoo noqday senatoor-kii labaad ee lagu soo doortay magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug, wuxuuna sidaasi ku qaatay kursigii Aqalka Sare.

XAAF IYO DOORASHADA 2021

Axmed Geelle Xaaf oo caddeeyay inuu u taagan yahay Aqalka Sare ee uu Cabdi Qeybdiid ku fadhiyo, wuxuuna iclaamiyey dagaal siyaasadeed, isagoo u digay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, si cadna u sheegay hadii ay dhacaan wixii dhacay Doorashadaii 2016 oo kale inuu Yowmul Qiyaame dhici doono, sida uu yiri .

Xaaf inkastoo uu damac xoog leh uga jiro Aqalka Sare, haddana xiligan xiriir fiican lama laha madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, sidoo kalena waxaa yar taageerayaashiisa siyaasadeed,marka laga reebo jufadiisa hoose. Waxaa xilligan aad ugu adag inuu Cabdi Qeybdiid ka fara maroojiyo kursigan.

- Advertisement -

Qeybdiid ayaa mar kale u sharxan Aqalka Sare, wuxuuna taageero ka heysta Madaxweyne Qoorqoor, isagoo furimaha dagaalka ee Galmudug kasoo muuqday muddoyinkii danbe, kuna kalsoon inuu si dahlan kusoo laaban karo.

Xaaf oo ay u sahlanaatay inuu Cabdi Qeybdiid kursiga Aqalka Sare kula tartamo, halkii uu mar kale doorasho la geli lahaa Axmed Fiqi oo kursigii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Dhuusamareeb u jooga inuu la tartamo Cabdi Qeybdiid, laakiin waxaa heysta caqabado waaweyn oo hankiisa hoos u dhigaya.

SIDEE XAAF LAGU QANCIN DOONNAA..?

Madaxweyne Qoorqoor oo saaxiibadii u u wada xiray lixdii kursi ee lagu doortay Dhuusamareeb ayaa lagu tuhunsan yahay inuu doonayo inuu kursigan u xiro Cabdi Qeybdiid, waana sababta dib loo dhigo doorashada kursigan si loo qanciyo Oday Xaaf.

Waxaa Cad  in Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) aanu ka badbaadi karin Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo raba inuu ka reebo kursiga Aqalka Sare si aanu ula tartamin Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), haddiise ay dhacdo inay tartamaan labada oday, wuxuu heystaa fursad uu ku guuleysan karo.

Xildhibaannada Galmudug oo aan hal warqad Sanduuq ku riday, gacantaagna ku doortay lixdii Senatoor ee ay soo saareen ayaa waxay arrintu u badan tahay noqon in si hoose loo qanciyo Xaaf, ama atartanka laga reebo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON