Sunday, July 13, 2025

XOG: Siyaasad ahaan miyey ku kala tageen Farmaajo iyo Qoorqoor..? (Dhaawaca soo gaaray xiriirkooda)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed adag oo uga timid mid ka mida madaxda maamul Goboleedyada aadka ugu dhowaa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka hor yimid rabitaanka Farmaajo markii uu xubno taageersan musharax Xasan Cali Kheyre kusoo daray Guddiga Doorashada Galmudug, taasoo sii xumeysay xiriirkii shakiga soo galay ee labada dhinac oo xilligii ugu xumaa yimid.

Qoorqoor ayaa muddo ahaa mas’uulka ay sida weyn uga shakisan tahay Villa Somaliya, haddana ka mid ahaa kuwa ay ku tiirsan tahay marka ay timaado dib u doorashada Farmaajo, laakiin waxaa xilliyadii ugu danbeeyay sii xoogeystay dhaawaca gaaray xiriirka Farmaajo iyo Qoorqoor oo hadda maraya heerkii ugu hooseeyay.

Kulamo uu madaxweynaha Galmudug kula yeeshay dalka Turkiga Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inay keeneen isbedelka ku yimid, taasoo ay qeyb ka tahay tegista uu magaalada Dhuusamareeb ku gaaray taliyihii hore ee Booliska G/Banaadir Jen. Saadaq Joon.

Farmaajo ayaa hadda isku halleynaya madaxda Maamul Goboleedyada K/Galbeed oo uu isku hubo iyo Hishabeelle oo uu kalsooni badan ku qabo, wuxuuna awoodda ugu badan ku yeeshay Guddiyada Doorashada Somaliland iyo Banaadiriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON