Wednesday, July 9, 2025

XOG: Wadahadalkii Galmudug iyo Ahlu sunna ee Muqdisho oo Qarka u saaran burbur

Wadahadalkii u dhaxeeyay Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna ee Muqdisho ayaa qarka u saaran burbur.

Dad ku dhowdhow wadahadalka ayaa sheegaya iyadoo maanta lagu waday in lasoo gabagabeeyo wadahadalka sida lagu asteeyay heshiis Cadaado ku dhex maray Galmudug iyo dowlada Federaalka ay suuragal noqon weyday wax horumar ah oo laga gaaro wadahadalka.

Wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadda dowladda Federaalka oo wadahadalka ugu xil saarnaa dowladda ayaa wax horumar ah ka gaarin waanwaanta ay ugu kala dab qaadayeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu suna ay la timid caqabado waaweyn oo suuragal ka dhigi waayay in horumar laga gaaro wadahadalka iyagoo dalbanaya arrimo aan macquul ahayn oo ay ugu horeyso in meesha laga saaro maamulka Galmudug, waxaana lagu eedeeynayaa inay mas’uul ka tahay fashil kasta oo ku yimaad wadahadalka.

Galmudug ayaa dalbaneysa in loo fasaxo doorashadamadaxweynaha maamulkooda, waxaana laga cabsi qabaa inay burburaan wadahadalka oo labada wafdi ee Galmudug iyo Ahlu suna ay dib ugu kala laabtaan Cadaado iyo Dhuusmareeb.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON