Thursday, June 26, 2025

XOG: Wararkii ugu danbeeyay Mooshinka Jawaari & Xildhibaannada wada Mooshinka oo diiday Waanwaan…

24-kii saac ee ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday dadaallo lagu doonayo in xal loogu helo xiisadda ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baaralmaanka Somaaliya.

Xiriiro kala duwan oo dhex maray wakiilada beesha caalamka iyo madaxda dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanaka iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa xiisadda siyaasaadeed ee taagan.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa xildhibaannada wada Mooshinka ay ku gacan seyreen inay wax waanwaan ah ka galaan arrinta mooshinka, isla markaana aysan kaliya ku qancayaan in mooshinka laga doodo oo cod loo qaado Guddoomiye Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa halkaasi ugu tegay dhinacyo u badan xildhibaanno iyo kooxda wada mooshinka, waxaana lagu wadaa inuu kulan la qaato maanta Guddiga Aqalka Sare u saaray arrintan.

Rajada laga qabo in arrintan xal loo helo ayaa aad u yar, inkastoo beesha caalamka ay cadaadis ku saareyso madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inay ka laabtaan mooshinka, kuna qanciyaan xildhibaannada wada inay dib uga laabtaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON