Sunday, March 26, 2023

XOG: Wareegtadii Kheyre ee RW Rooble u adeegsaday Dacwad lagu soo oogo Wasiir C/rashiid & Farmaajo

Akhriso Qoraalka uu Baarista ku dalbaday Rooble iyo Xeerka uu adeegsaday ee uu soo saaray Xasan Kheyre

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu xilka ka qaado Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed oo heshiis lagu tilmaamay sharci darro shaaciyey inuu la galo shirkado Ajnabi ah.

Rooble ayaa qoraal uu ku dalbaday baaritaanka Heshiiska iyo dacwad kusoo oogista ciddii ka danbeysan iyo kuwa ku lug yeelan kara u diray hanti dhowrka, wuxuuna sharci ahaan adeegsaday Xeer uu soo saaray Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ay ansixiyeen Golihii hore ee wasiirada oo shacriyad buuxda heystay.

Ad

Xeerkaasi ayaa mamnuucayey Sax ahaanshaha Heshiis kasta oo aan soo marin Wasaaradda Arrimaha dibadda, Garyaqaanka Guud, ogolaanshaha Ra’iisal wasaaraha iyo ansixinta Golaha wasiirada, wuxuuna xeerkaasi ahaa Lr. 47, soona baxay bishii Disembar Sanadkii 2018.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in dacwadda Heshiiska iyo baaritaanka lagu soo daro Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse xeer ilaalinta iyo Hanti-dhowrka ayaan weli soo hadalqaadin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ROOBLE IYO WAREEGTADII KHEYRE

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!