Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amar ku bixisay in la soo xiro wasiir ku xigeenka shaqada laga joojiyey wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Arrintan ayaa ka danbeysay dacwad ay ku soo oogeen hanti dhowrka guud iyo Xeer ilaalinta oo wasiir ku xigeenka u heysta arrimo ay ugu waaweyn yihiin lunsasho hanti qaran iyo hor istaagid shaqada hanti dhowrka, waxaana intaas u dheer in ku takri fal awood xafiis dowladeed.
Mukhtaar Mahad Daa’uud oo la isku dayey dhowaan in la qabto ayaa arrintiisa ay keentay inay isku dhacaan ilaaladiisa iyo ciidamadii loo diray inay soo xiraan xilli uu xilka hayey, waxaana arrinta soo dhex galay Ra’iisal wasaare Kheyre.
Maanta ayaa shaqadii laga joojiyey sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, taasoo dhabaha u xaareysa in xabsiga la dhigo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud oo noqonaya mas’uulkii ugu heer sareeyay ee arrin musuq lagu soo oogo.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda iyo shaqaalaha wasaarada Arrimaha dibadda ay taageersan yihin wasiir ku xigeenka, isla markaana laga cabsi qabo in xarigiisa uu keeno xiisad siyaasadeed iyo is-casilaad hor leh oo ka dhacda wasaaradda.