Wednesday, June 25, 2025

XOG: Xaalad soo wajahay Shirkii Muqdisho iyo Guddigii Farsamada Jubbaland oo isaga tegay caasimadda

Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ee lagu waday inuu Muqdisho ka furmo ayaa xaalad cusub soo wajahday, kadib shaqaaqooyinkii ka dhacay caasimadda iyo rasaaseyntii Bannaanbaxyada Musharixiinta Mucaaradka.

Xubnaha Guddigii farsamada Jubbaland ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo. Wasiirka madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani iyo Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Mursal Khaliif oo kamid ahaa oo ka qeyb galay shirkii guddiyada farsamada ee magaalada Baydhabo ayaa ka tegay Muqdisho xilli lagu waday inuu kafurmo shirka madaxda dowladda iyo Maamul Goboledyada.

Waxaana la filayaa in xubnaha Guddiga ka socda Puntland ay sidoo kale dib ugu laabtaan magaalada Garowe; kadib markii xaaladda uga sii dartay tallaabooyinkii uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Beesha caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirto qabsoomida shirkaasi si loogu gudbo fulinta Heshiiska Doorashada, laakiin waxay wajaheysa caqabado cusub oo ka yimid is-aamin la’aanta iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Musharixiinta Mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay beesha caalamka ka dalbadeen damaanadqaad iyo shirka Muqdisho lagu qabto xarunta Xalane, mar haddii ay muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON