Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka adhacay xarunta maamulka G/banaadir oo xilligaasi uu ka socday shir amniga ku saabsan,
Guddoomiya C/raxmaan Yariisow ayaa la sheegay in xaaladiisa ay tahay mid culus iyadoo qalliin looga sameeyay caloosha, waxaaan sidoo kale firir ka galay Madaxa, iyadoo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaalka Digfeer oo la geeyay, waxaana halkaasi ku booqanaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qasaare xoog leh ayuu geystay qofka is-miidaamiyey, dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka sokor waxaa halkaasi ku dhintay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka mida mamulka Gobolka Banaadir.
Dadka ku dhintay qaraxa ilaa hadda waxaa ka mida: Guddoomiyihii Degmada Waaberi Mahad Cilmi, waxaa kaloo dhintay guddoomiyaha degmada Boondheere, waxaa kaloo dhaawac soo gaaray guddoomiyeyaasha degmada C/casiis iyo Wardhiigley,
Waxaa qaraxa ku dhaawacmay Agaasimeyaal uu ka mid yahay C/fataax Xalane, Afhayeenka Gobolka, iyo xubno kale, waxaana xaaladda goobta la sheegay mid aad u kacsan iyo fashil amni oo halkaasi ka dhacay.