Monday, June 23, 2025

XOG: Xaqiiqada magacaabidda Guddiyada Doorashada Puntland iyo Jubbaland (Damaanadda Beesha Caalamka)

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay saqdii dhexe sii daayey oo shaaciyey Guddiyada Doorashada Heer dowlad Goboleed ee labadaasi maamul oo muddo 4 bilood ah u xaryirnaa khilaaf hareeyay fulinta heshiiskii Doorashada 17 September 2020 lagu gaaray Muqdisho.

Magacaabidda Guddiyada Doorashada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka dhigan inay labada madaxweyne ee maamulladaasi Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ogolaadeen Shuruudii ay Dowladda Federaalka ku xirtay in la qabto shirweyne madaxda ka yeelanayaan xalinta khilaafka Doorashada hareeyay.

Tallaabadan ayaa timid kadib shirar joogto ah oo Khadka internetka, Telefoonada iyo si toos ahna u dhex maray madaxda Soomaalida iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayey Wakiilka Q/Midoobay James Swan, markii madaxda Soomaalida ku guuleysan waayeen inay xal dhexdooda ah u helaan arrintan, is aaminkooduna sii yaraaday.

Ad

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo hore u diiday inay Guddiyada Doorashada magacaabaan ayaa aqbalay arrintan, kadib cadaadiska Beesha Caalamka si looga gudbo caqabada Madaxweyne Farmaajo hordhigay shirka ay Beesha Caalamka qabanqaabisay, waxayna damaanadqaad ka dalbadeen Mareykanka iyo Q/Midoobay, iyadoo loo damaanad qaaday inay guddiyadaasi kaliya ahaan doonaan kuwo magacaaban, wax doorasho ahna aan la qaban doonin iyadoo aan heshiis laga gaarin qodobadda la isku hayo.

Waxaa saameynta ugu weyn arrintan ku lahaa Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo shaqsi ahaan u dhex galay Qodobkan ay isku hayeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa xusid mudan in magacaabida Guddiyada Doorashada ee Puntalnd iyo Jubbaland loo diray Beesha Calaamka, lahuna baahiyey warbaahinta, iyadoo aan toos loogu dirin dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON