Xildhibaannada kasoo jeeda Beesha H/Gidir ayaa xalay saqdii dhexe kadib tegay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyagoo kulamo degdeg ah la yeeshay madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Xildhibaannada ayaa la sheegay inay markii hore la kulmeen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo ka dambeysay weerarkii ay ciidamada NISA ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyagoo xabsiga dhigay, isla markaana uu dhaawac fudud kasoo gaaray howgalka oo sidoo kale lagu dilay qaar ka mida ilaaladiisa.
Kulanka labada dhinac ayaaa ujeedkiisu ahaa sidii xog looga heli lahaa weerarka dhacay iyo xaaladda siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaaan la sheegay inay xildhibaannada dalbadeen in la sii daayo siyaasiga dowladdana war cad ay ka doonayaan sida ay ku dhacday arrintan.
Kulan kale oo xildhibaannada H/Gidir la yeesheen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kadib looga hadlay isla kiiska C/raxmaan C/shakuur, waxaana madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay xildhibaannada ku qanciyeen in arrinta ay kala xisaabtami doonaan hay’adaha amniga iyo Garsoorka, kadibna go’aan laga qaadan doono.
Kulamadan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe kadib, waxaana la isku gaaray aroortii hore ee saaka, iyadoo aan la shaacin wixii kasoo baxay, waxaana maanta socda shirar iyo abaabulo siyaasadeed oo magaalada Muqdisho laga qabanqaabiyay.