Iyadoo xiisadda ka dhalatay Mooshinkii xil ka qaadista ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya soo taagneyd ilaa bartimihii Maarso 2018 ayaa arrimaha laga dhaxlay ololaha mooshinka waxaa ka mid noqday ilaalo badan oo ay soo kordhiyeen xildhibaanada.
Xildhibaannada taageersan Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa gaar ahaan kuwooda beelahooda ku hubeysnaayeen Muqdisho ayaa si weyn u kordhiyey ilaaladooda iyo hubka ay wateen maalmihii ugu danbeeyay, waxaana qaarkood lag arkay gawaarida Tiknikada ee dagaalka.
Xildhibaanno ay ka mid yihiin C/qaadir Cosoble, C/raxmaan Odowaa, Mahad Salaad, C/llaahi Maxamed Nuur, Caddow Cali Gees iyo qaar kale ayaa lagu kordhiyey ilaaladooda iyo hubka ay wataan oo qoriga PKM lagu soo kordhiyey, waxaana jiray hanjabaadyo ku saabsan in xasilooni darro.
Arrintan ayaa ka hor imaaneysa markii ay xukuumadda Soomaaliya hore u dhaqan gelisay ee ahaa in wax ka badan 4 ilaalo aanu mas’uulku wadan karin, isla markaana aysan qaadan karin hub ka weyn AK47.