Wednesday, June 25, 2025

XOG: Xiriirkii Madaxweyne Xasan Sheekh & C/kariin Guuleed oo qarka u saaran burbur

Xiriirkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mid ka mida saaxiibadii ugu dhowaa ayaa gaaray heerkii ugu liitay mudadii 4- sano ahayd ee ugu danbeysay.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku qabtay  arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka 2016 iyo awood qeybsiga dowladda, taasoo keentay in siyaasadda ku kala tagaan.

Arrimaha ay ku kala boodeen labada nin ayaa waxaa ugu weyn awood qeybsiga dowladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baxay dhowr balanqaad oo uu hore u siiyay C/kariin Guuleed iyo beeshiisa, kaasoo uu ugu dambeeyay xilka Taliyaha Nabadsugidda.

Dadaal ay kooxda Damjadiid u galeen xalinta khilaafka labada nin ayaa lagu fashilmay, waxaan waanwaanta ku dhex jiray Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ku guuleysan waayay inuu isu soo dhoweeyo saaxiibadiis.

C/kariin Guuleed ayaa qaatay go’aan ah inuu isbaheysi kale oo siyaasadeed raadsado, waxaana wararku sheegayaan inay yar tahay rajada laga qabo fursad Xasan Sheekh iyo C/kariin Guuleed dib loogu heshiisiin karo.

Kulan magaalada Kambala ku dhex maray C/kariin Guuleed iyo  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa xaaladda uga sii daray.

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo dadaal iyo hanti badan geliyay in xilka madaxweyne ee Galmudug loo doorto C/kariin Guuleed ayaa xilliyadii dambe sii luminaya mid ka mida saaxiibadiisa siyaasadda ugu dhowaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON