XOG: Xubnihii ugu weynaa Mucaaradka oo ku biiray soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ee Galmudug

Inta badan xildhibaannadii mucaaradka ku ahaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku biiray soo dhoweynta Madaxweynaha ee degaanada Galmudug.

Xildhibannadan oo dagaal siyaasadeed iyo olole joogto la daba taagnaa ayaa arrintooda qabowday intii uu bilowday socdaalka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna  noqdeen mas’uuliyiintii ugu danbeysay ee ku biira soo dhoweynta madaxweynaha.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa tegay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka mid ahaa mas’uuliyiintii madaxweynaha ku shalay ku soo dhoweeyay halkaasi, waxaana sidoo kale xubnaha tegay Gaalkacyo ka mida wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa isna gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana xubnaha la socda ka mida xildhibaan C/xakiim Macalin iyo Jawaahir Axmed, iyadoo la sheegay inuu dalka ka maqan yahay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, waxaana ka qeyb galka soo dhoweynta Farmaajo qaadacay Xildhibaan C/raxmaan Odowaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,629FansLike
501FollowersFollow
2,246FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

107,629FansLike
501FollowersFollow
18FollowersFollow
2,246FollowersFollow

TOP NEWS

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!