Tuesday, July 1, 2025

XOG: Yaa kusoo baxaya Kursiga HOP058 ee Baarlamaanka 11-aad..? (Mushariixinta ugu cadcad)

Doorashada kursiga HOP058 ee maanta ka dhaceysa magaalada Beledweyne ayaa ak mida kuraasta tartanka adag loo gelayo sanadkan, iyadoo ay isku soo sharxeen 7 musharax oo u taagan inay kusoo baxaan.

Nuur Iidow Beyle oo taageero ka heystay Kooxda Farmaajo hore ugu fadhiyey kursigan oo ay leedahay Beesha Cali Madaxweyne / Xawaadle ayaa ka haray tartanka, kadib markii uu socon waayey qorshe uu ku doonayey in Jufadiisa loo xiro kursiga, maadaama jufooyinka kale ee Beeshaasi ay heystan xilalka madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Waxaa Doorashada kursiga HOP058 u taagan musharixiinta kala ah:

1-Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe)

2- Eng. Yoonis Maxamed Nuur

3- Cali Cabdullaahi Cosoble

4- C/qaadir Xussen Colow

5- Maxamud Afdhuub Makaraan

6- Cabdullaahi Axmed Xuseen

7- Ubax Cali Sheegow

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu kursigan ugu cadcad yahay Musharax C/llaahi Sanbaloolshe oo taageero badan ka heysta ergada, laakiin waxaa sidoo kale ku soo xiga C/qaadir Xuseen Colow oo laga cabsi qabo inuu ciriiri geliyo.

Waxaa sidoo kale jirau musharixiin saameyn leh, laakiin waxaa loo badinayaa inuu kusoo bixi doono Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe, inkastoo ay dhici karto inuu tartan aad u adag la kulmo, taasoo ay ugu wacan tahay musharixiinta saameynta leh ee la loolamaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON