Xoghayaha joogtada cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Maxamed Ibraahim Nuur ayaa maanta xilka kala wareegay, kadib markii xilkaasi u magacaabay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Xaflad ka dhacday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayuu xilkii kula wareegay Xoghayaha cusub, iyadoo uu xilkaasi banneeyay xoghayihii hore ee xafiiska Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo muddo laba jeer ah oo xilkaasi u magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii xilka sii hayey Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isbedel ku sameeyay maamulka Xafiiskiisa, wuxuuna muddo kooban ku magacaabay xoghaye, Afhayeen iyo madaxa hab maamuuska Xafiiskiisa.





