Sunday, July 6, 2025

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo shaaciyey sababta ay Duqeyn Cirka ah ugu taageereen Ciidamada Somaliya

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa shaaciyey sababtii keentay inay duqeyn dhinaca cirka ah ku taageeraan ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Llyod Austin ayaa sheegay in sababta loo qaaday weerarada cirka ee Mareykanku ku bartilmaameedsanayo Al-Shabaab-ka Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Maalmihii dhowaa wixii dhacay waxay ahaayeen in ciidamada aan iskaashiga leenahay ay kordhiyeen dagaalka, waxayna dib u riixayaan Al-Shabaab si aad u weyn, waxaana ku taageernay duqeyn cirka ah” ayuu Xoghaye Austin u sheegay weriyeyaal la safrayay, kuna sugnaa xarunta Eielson Air Force ee Gobolka Alaska.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta Cirka ee Mareykanka ay timid dagaallada culus ee ay qaadeen ciidamada Soomaalida iyagoo si adag ula dagaalamay Alshabaab, dagaalkuna uu noqday mid culus, taasoo keentay inuu Mareykanku ku taageero duqeyn cirka ah xoogagga ay iskaashiga leeyahay.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu bilaabay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya waxaa kujiray loollan adag oo dhanka dhulka ah oo ay la galeen Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanada Galmudug, gobolkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn ee Mareykanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON