Xoghayihii ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab C/laahi Xaashi oo ahayd iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha ururkaasi Batuula Sheekh Axmed Gaballe ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen.
Gaariga ay la socdeen labadan ruux ayaa marayay degmada Xamarweyne, agagaarka Wadadda Via Roma, waxaana lagu hor gooyay Gaari ay wateen dabley hubeysan oo rasaas fara badan oodda uga qaaday, halkaasi ku dilay.
Weerarkan oo dharaar cad ka dhacay bartama suuqa weyn ee Xamarweyne ayaa uga sii daraya xaaladda ammaanka Muqdisho oo ka sokow markii ay yaraadeen qaraxyadii, ayaa dhinaca kale waxaa xowli ku socda weerarro khaarijin ah oo lagu qaaday dadweyne, askar iyo mas’uuliyiinta dowladda.
Waxaa weerarka ku dhaawacmey qof goobta ku sugnaa, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen ciidmada ammaanka oo baaritaanno sameeyay, balse aan lagu soo qaban cidna. Kooxda Alshabab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkan.