Monday, June 23, 2025

Xogtii ugu danbeysay ee Ololaha Doorashada iyo Musharixiin bilaabay Lacag bixin

Waxaa caawa xilli dambe ka socda caasimadda Muqdisho ololihii ugu danbeeyay ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo uu bilowday isu socodka xildhibaannada iyo booqashada xarumaha Musharixiinta.

Sida Doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya caado u noqotay habeenka ugu danbeeyay ee ololaha doorashada ayey Musharixiintu bixiyaan lacago laaluush ah oo ay ku iibsanayaan codadka xildhibaannada, waxayna bartamaha magaalada isu bedeshaa meel aan laga seexan.

Xildhibaannada ayaa isu mara ugu yaraan 3 ilaa 5 musharax oo lacago bixinaya, inkastoo aanay lacagtu go’aamin codadka ugu danbeeya iyo guusha xilka, haddana waxay qeyb weyn ka ahay ololaha doorashada.

Ad

Caawa waxaa tallaabadii koowaad qaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xildhibaannadii tegay Villa Somalia kusoo rogay shuruudo adag. Kooxda ololaha Farmaajo oo cabsi weyn ka muuqato ayaa xildhibaannada ka doonaya Dhaar iyo inay la joogaan marka ay lacagta qaateen, si aysan u aadin musharixiin kale.

Musharax Shariif Sheekh Axmed oo hore aan looga baran inuu lacag ku bixiyo ololaha doorashada ayaa lasoo weriyey in xaruntiisa laga bilaabayo kharash bixin, taasoo muujineysa in tartanka xilka Madaxweynaha uu adag yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre iyo Caddow Cali Gees ayaa bixinaya lacago u dhaxeeya 30,000 ilaa 40,000 Dollar, iyadoo Boorsooyinka la furay xilli danbe.

- Advertisement -

Musharixiinta qaarkood Waxaa taageeraya ganacsato dano dhaqaale leh, si ay xildhibaannada si ay codka uga bedeshaan, taasoo marar badan qasaare ku dhammaata.

Musharixiinta kala ah: Farmaajo iyo Siciid Deni ayaa ugu danbeeya musharixiinta lacag bixinta ka dhigay ilaa waaberigii saaka iyagoo kala bixinaya 60,000 (Deni) iyo 10,0000 (Farmaajo) .

Ololaha doorashada ayaa socon doona ilaa salaadda subax, waxaana musharax kasta uu ka war sugayaa musharaxa uu tartanku kala dhaxeeyo. Lacagaha ololaha lagu gelayo ayaa ka kala yimid, ganacsato iyo dowlado Carbeed.

Doorashada ayaan la filayaa inaysan bilaaban ka hor Duhurta, marka la eego sida ololaha Doorashada iyo lacag qeybinta u gaaray xilli danse.

- Advertisement -

Goobjooge.net

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON