Monday, June 23, 2025

Xubnaha Guddiga dhismaha Wadadda Boosaaso oo loo xiray lacag ay ka heleen Dowlada Somalia

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay xireen xubno ka tirsan Guddiga Dhismaha Wadadda Boosaaso.

Xubnaha xabsiga loo taxaabay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Maamulihii Amal Bank ee Faraxa Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maxamuud Maalfo waxaaba xarigooda kasoo baxaya warar kala duwan.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga la xiray loo heysto lacag ay ugu deeqday dowladda Federaalka oo gaareysa $150,000, taasoo lagu shubay Khasnada Guddiga dhismaha Wadadda bartamaha Boosaaso, taasoo maamulka uu ka dalbaday inay dib u celiyaan ama wareejiyaan Puntland, balse markii ay ka biyo diideen Guddiga xabsi la dhigay .

Maamulka Puntland ayaa faragelin u arka in dowladda federaalka ay lacago si toos ah u siiso guddiyo ka dhisan magaalooyinka Puntland, waxaana la sheegay inuu amar ku bixiyay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni in tallaabo adag laga qaado arrintan, kadib markii ay dowladda Federaalka u meel martay lacaga uu Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ugu deeqay dhismaha Garoonka Cawaale ee waqooyiga Gaakacyo.

Xubno ka mid ah Gudiga laga xiray oo ayaa sheegay in Maamulku ku Amaray in ay kusoo wareejiyaan lacag $150,000 oo dollar ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday dhismaha wadada dhexmarta magaalada Bosaaso, lagactaas oo ay guddigan gacanta ku hayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON