Wednesday, June 25, 2025

Xubno Kor-joogto ah oo la diiday inay ka qeyb galaan Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiday inay kormeerayaal iyo korjoogto caalami ah la socdaan doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somalia oo lagu wado inay Isninta ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Guddiga qabqabaada doorashada ayaa ku adkeystay inaan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqda Doorashada Isniinta, 30-ka bishan April ee Guddoomiyaha Baarlamaanka.  Nuur Iidow Bayle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka ayaa sheegay inaan loo baahneyn wax korjoogto ah.

Wuxuu caddeeyay inay doorashada ka qeyb galayaan Xubnaha Baarlamaanka oo u codeyn doona si qarsoodi ah, iyadoo musharax waliba loo qoondeeyay Hal qof oo codadka u tiriya ee aysan jiri doonin cid ka baxsan.

Guddoomiyaha Qabanqaabada Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in inay la kulmeen dhammaan 11-ka Musharax ee u tartamaya xilka guddoomiyaha una xaqiijiyeen inay doorashada u dhaceyso qaab cadaalad ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON