Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun xabsi dheer ah ku xukuntay Nin ka tirsanaa Alshabaab oo hore isugu dhiibay ciidamada dowladda, balse dib ugu laabtay Alshabaab, dib u bilaabay falal amnidarro.
Eedeysane Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24 sano jir ayaa ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose, waxaana lasoo qabtay, isagoo ku eedeysan inuu Alshabaab u qaabilsanaa tuurista Bam-gacmeedka.
Waxay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah. Wuxuuna ninkan horay isugu dhiibay Dowladda Soomaaliya, isagoo la mariyey xarumaha Dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa kasoo haray fikirka Alshabaabnimada, balse Ayuub wuxuu dib ugu laabtay Alshabaaba markii uu dhammaystay habraacyadii dhaqan celinta ee la fasaxay.
Falkii ugu danbeeyay ee lagu soo qabtay Eefeysan Ayuub Cismaan ayaa ahaa kadib markii Bam F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugnaa degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose, wax khasaare ahna ma geysan.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
