Monday, June 23, 2025

Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay inay Alshabab joojiyeen dhismihii Garoonka Stadio Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay in Al-Shabaab ay joojiyeen Dayactirkii ka socday Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, kadib warbixinno laga soo xigtay shirkadda dhiseysa garoonka oo saxaafadda ay baahisay.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka xukuumadda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay la socdeen Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta Maareeye & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa saxaafadda kula hadlay gudaha Garoonka Stadium Muqdisho, waxayna been abuur ku tilmaameen inay joogsatay shaqadii dayactirka ee Garoonka ka socotay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howshii dhismaha & Dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, isla markaana aysan jirin wararka sheegaya in Alshabaab joojisay dhismaha, isagoo caddeeyay inay baaritaan ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha Garoonka.

Wasiir Maareeye ayaa uga digay Warbaahinta gaarka loo leeyahay faafinta wararka been abuurka ah, Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha Garoonka weyn ee Stadio Muqdisho iyo Tuulada Ciyaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON