Wednesday, June 25, 2025

Xukuumadda Somaliya oo shaacisay taageero ay Dowlada Qatar u ballan qaaday Doorashada Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku tegay dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed C/risaaq Maxamuud oo ka hadlay natiijadii socdaalka Rooble ee Qatar ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha la kulmay Amiirka dalka Qatar, kadibna uu dhacay kulan heer wasiiro ah.

Dowladda Qatar ayuu sheegay inay taageereyso mashaariic ka socota dalka oo labada dhinac ay ka wadahadleen sidii loo dardar gelin lahaa iyo xiriirka labada dal.

“Dowladda Qatar waxay taageereysaa Doorashooyinka Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo Daah furan oo ku dhaca jawi nabadeed, kuna qabsooma sida ugu dhaqsiyaha badan. Qatar waxay ballanqaaday inay si fiican uga qeyb qaadato kabista misaaniyadda Doorashada iyo Amnigeedaba..” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin dhaqaalaha ay dowladda Qatar ugu yaboohday Doorashada Soomaaliya, iyo sida ay uga qeyb qaadaneyso amniga Doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in dowlada Qatar ay dhaqaale siineyso xukuumadda Soomaaliya oo xaalad adag ku sugan, gaar ahaan iyadoo bixineysa miisaaniyadda ka dhiman Doorshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON