Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo gaaraya 3 Guuto u diyaarisay sugidda ammaanka Bisha Ramadaan oo Alshabaab ay kordhiyaan weerarrada iyo qaraxayada.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan wasiir Kuxigeenka Amniga iyo Taliyayaasha CIidamada NISA iyo Asluubta ayaa kormeer ku tegay xaruntii Xisbiga, halkaas oo lagu soo bandhigay saddex guuto oo ka mida Ciidamada isku dhafka ah ee loo diyaariyay duggida Amaanka Caasimadda Muqdisho Bisha Ramadaan.
Ciidamadan ayaa loo diyaariyey sugidda iyo xoojinta amniga bisha Ramaaan ee magaalada Muqdisho, waxaana Ra’iisal Wasaaree Xasan Cali Kheyre uu ciidamada u jeediyay wacyi gelin ku saabsan kaalintooda xaqiijinta amniga Muqdisho.
DAAWO SAWIRRO