Monday, June 23, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo Go’aan aan la fileyn ka qaadatay soo dhoweynta Xasan Sheekh [Akhriso]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa go’aan aan la fileyn ka qaadatay soo dhoweynta loo sameynayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Berri oo Khamiis ah dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha aya sheegaya in xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay Guddi heer wasiir ah u saartay soo dhoweynta Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo u diyaarsisay in si maamuus sare leh ay xukuumaddu uga qeyb qaadato soo dhowaynta Madaxweynihii hore.

Guddiga xukuumaddu u saartay soo dhoweynta ayaa diyaariyey maamuus loo sameynayo Xasan Sheekh, iyadoo la ogyahay ujeedkiisa ah inuu hoggaamiyo kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Ad

Niyad wanaagga xukuumadda Kheyre kala hortegayso Xildhibaan Xasan Sheekh ayaan la ogeyn inta uu socon doono xilli 4 kooxood oo mucaarad ah ay ku heshiiyeen inay Xasan Sheekh u caleemo saaraan hogaamiyahooda.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweyne Xasan Sheekh xilligii uu xilka hayey, waxaana la ogyahay inuu olole u galay sidii uu xil sare uga qaban lahaa urur Goboleedka IGAD.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON