Wednesday, June 25, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay ciidamo kala dhex gala Puntland & Galmudug u direyso Gaalkacyo

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay magaalada Gaalkacyo y dirto ciidamo kala dhex gala labada maamul.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ra’iisal wasaaraha waxaa la farayaa ciidamada milateriga Soomaaliya inay wixii ciidan ay heli karaan u diraan magaalada Gaalkacyo, si ay u kala dhex galaan dadka walaalaha ah una joojiyaan colaadda…” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Wasiirku wuxuu sheegaya in loo baahan yahay in laga hortago colaad ka dhacda magaalada Gaalkacyo, isagoo si adag u sheegay in mas’uuliyadda wixii dhaca ay qaadi doonaan labada maamul iyo madaxweynayaasha C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay kana digeysaa in colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada daga gudaha magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale dowladdu waxa ay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, wasiirada salaadiinta iyo waxgaradka ugu baaqeysaa in ka shaqeeyaan joojinta colaadaha sii huraya ee ka jirta gobolka Mudug, si dib loogu soo celiyo wadanoolaanshihii iyo isusocdka bulshada” ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Warka xukuumadda Soomaaliya ayaa soo baxaya iyadoo War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ciidamadeeda ku lug leeyihiin dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON