Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo la sheegay inuu ka shaqeynayo isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaciisa u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka, wuxuuna sheegay in Guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.
Wuxuu intaas ku daray Ra’iisal wasaaraha in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada.
Ma shaacin xukuumadda magacyada Guddigan iyo cidda guddoomineysa, laakiin goor sii horeysay ayaa la shaaciyey in Kheyre uu dib u dhigay socdaalkiisii magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo howsha gurmadka.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu arkin isbitaallada Muqdisho iyo goobaha gurmadka, iyagoo la sheegay inay galabta bilaabi doonaan booqashada isbitaallada Muqdisho, kadib shir uu golaha wasiirada la yeeshay Ra’iisal wasaaraha.