Friday, July 11, 2025

Xukuumdda xilgaarsiinta Somaliya oo Digniin yaab leh u dirtay dalalka Kenya iyo Jabuuti (Ogow Xaqiiqada)

Xukumadda Federalka ee xilgaarsiinta ayaa u digtay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay sheegtay inay wadaan qorshe ka dhan ah madax banananida Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo war degdega ka akhriyey TV-ga dowladda ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in dowladaha Kenya iyoi Jabuuti ay wadaan qorshe ay qoddobo gaara doonayaan inay ugu daraan bayaanka kasoo bixi doona Xaaladda Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Amniga iyo Nabadda maanta yeeshay”.

“Ma aqbaleyno in Dowlado xubno ah Guddiga oo xurguf Siyaasadeed kala dhaxeyso Soomaaliya ay u adeegssadaan ku xadgudubka madax bannaannida dowladda jamhuurioyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo qoraal ka akhrinayey Bayaanka.

“Ururada annu xubnaha ka nahay, Dibloomasiyiinta shisheeye iyo dalalka aannu leenahay xidhiidhada diblomaasiyadeed waxaan si cad usheegaynaa in xeerarka kasoo baxa Barlamaanku ay yihiin Go’aanka udambeeyay ee sharciga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, xukuumaduna ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas dastuuriga ah..” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Federaalka u yahay Hay’adda ugu sareysa dalka oo aan waxba laga bedeli karin go’aanadiisa, taasoo u muuqata in lagu difaacayo muddo kororsigii Maxamed Farmaajo iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Tallaabada xukuumadda xilgaarsiinta ayaa timid , kadib markii uu maanta shir gaara arrimaha Soomaaliya ka yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, waxaana jirta cabsi ah in Goluhu dalbado dib ugu laabashada wadahadalkii Heshiiska Doorashada, taasoo meesha ka saareysa Muddo kororsiga.

Dowladda Soomaaliya ayan soo bandhigin caddeymo ku saabsan eedeynta ay u jeedisay dowladaha Jabuuti iyo Kenya oo hadda xubno ka ah Guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON