Sunday, June 22, 2025

Yaa bixiyey Amarka Fahad Yaasiin looga celiyey Garoonka Muqdisho..? (Tirada dadka la socday & xog Cusub)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa sababaha keenay in magaalada Muqdisho laga celiyo diyaarad siday agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad yaasiin Xaaji Daahir, kadib markii lagu hakiyey Garoonka magaalada Jabuuti.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Wasaarada Amniga xukuumadda Soomaaliya ay Diyaaradda Turkish Airlines gaarsiiyey Amar ah inaan Fahad Yaasiin aysan la keeni karin magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa lagu eedeeyay inuu inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo qalalaase dhinaca Amniga ah, taasoo ka dhalatay markii saaka ciidamo fara badan oo taageersan ay xoog ku galeen Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin oo xalay xilli danbe kasoo duulay magaalada Istanbul ay la socdeen ilaa 40 qof oo la saarnaa diyaaradda Turkish Airlines, iyagoo saaka doonayey inay ka degaan Muqdisho, balse markii Diyaaraddu heshay amarka ah inaysan rakaabka uu Fahad ka mid yahay keeni karin Muqdishu ayu ku hakatay Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa la filayaa inay Fahad iyo dadka la socoda dib ugu celiso magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib markii diyaradii uu la socday loo diiday inay caga dhigato magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa eedeyn kula dul dhacday dowladda Jabuuti oo ay sheegtay inay xayirtay Fahad Yaasiin iyo saraakiil la socotay, waxaana la filayaa inay Dowladda Jabuuti war kasoo saarto arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON