Thursday, June 26, 2025

Yaa kusoo baxay Doorashada Gacantaagga xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee ka socota Muqdisho..?

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda doorasho kuraas ka mida Baarlamaanka Federaalka ee xildhibaanno kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Doorashada ayaa ku socota taanasul iyo in musharixiinta loo yaqaan ‘Malxiis’-ka ay tartanka ka haraan, kadibna loo qaado codka kalsoonida ee gacantaagga ah, waxaana lagu kala baayaa daqiiqado kooban oo natiijada la sii ogyahay.

Kursiga HOP#268 waxaa kusoo baxay Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo hore ugu fadhiyey kursiga, waxaase tartanka kursiga ka haray musharax Axmed Muumin Waaliye, taasoo keentay in cod taageero gacantaag ah loo qaado wuxuuna helay kalsoonida 98 ergay, halka 1 ergay uu ka aamusay.

HOP#267 waxaa kusoo baxay xildhibaan Saynab Maxamed Caamir oo hore ugu fadhiday kurisga, markii ay tartanka isaga hartay Sucaado Muumin Maygaag. Cod gacantaag ah oo loo qaaday Saynab Maxamed Caamir waxaa kalsoonida siiyey 97 ergay, waxaana ka aamusay 2 ergay.

HOP#236 waxaa kusoo baxay xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi oo kursiga hore ugu fadhiyey, kadib markii uu doorashada ka haray Farxaan Cabdilahi Cali. Codka gacantaagga waxaa uu Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore ku helay dhammaan ergadii oo dhan 99 Ergay.

HOP#268: Waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, waxaana tartanka isaga hartay Buuxo Maxamed Cismaan. Codka kalsoonida ee loo qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayuu helay dhammaan ergadi oo dhan 98 Ergay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON