Monday, June 23, 2025

Yaa Madaxweyne Farmaajo ku metelaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Mauritaniya..? [Daawo Sawirro]

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, iyadoo looga hadlayo qoddobo ay ka mid yihiin Musuqmaasuqa, Argagixisada, Ganacsiga iyo arrimo kale oo quseeya xaaladda Afrika.

Qodobka ugu weyn ee shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa ah dhibaatadda musuqmaasuqa ku hayo Qaaradda Afrika oo lagu qiyaasay inuu curyaamiyey dhaqaalaha iyo horumarka Qaaradda, laguna lagu lunsado Balaayiin Doolar sanad kasta.

Gudoomiyaha golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegaya in ku dhawaad 50 bilyan oo lacago sharcidaro ah ay sanad walba qaaradda isaga gudubto. Kulanka Midowga Afrika ayaa sidoo kale ujeedadiisu tahay in la joojiyo hubka Afrika loo soo dhoofiyo marka la gaaro sanadka 2020.

Ad

Waxaa si gaara shirka looga hadlayaa Colaadaha ka jira Suudaanta koonfureed, Jahmhuuriyada Bartamaha Afkrikada Dhexe, Liibiya iyo dalka Congo, waana shir madaxeedkii 31-aad ee madaxda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirka, waxaana sidoo kale aan loo dirin Ra’iila wasaare Kheyre, balse waxaa ka qeyb galaya oo madaxweynaha ku metelaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

- Advertisement -

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON