Wednesday, July 9, 2025

Yaa noqon doona Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya..? (Qiimeyntii ugu danbeysay)

Waxaa bilowday wareegii koowaad ee codeynta Doorshda xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayaan in ka badan 30 musharax oo ay ku iraan saddex madaxweyne oo hore.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa caasimadda Muqdisho ka dhacy olole culus oo musharixiinta ay lacago badan ku bixiyeen, waxaana socda isbaheysiyo cusub, iyadoo inta lagu gudaha jirto doorshada ay dhici karaan isu-guuris.

Tartanka ugu weyn oo dhex yaalla 5 musharax oo culus ayaa ah ciddii u gudbi lahayd wareegga labaad oo afarta ugu codadka bata, waxaana xilka loo saadaalinayaa musharaxa ugu codka bata, marka laga reebo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la filayo in Wa-shamsi lagu qaado.

Shanta musharax ee lagu wado inay wareegga labaad u gudbaan waxaa la saadaalinayaa inay noqon karaan:

1- Maxamed C/llaahi Farmaajo

2- Shariif Sheekh Axmed

3- Siciid C/llaahi Deni

4- Xasan Sheekh Maxamuud

5- Xasan Cali Kheyre

6- C/raxmaan C/shakuur Warsame waa musharax kale oo ay dhici karto inuu wareegaasi gaaro si lama filaan ah.

Madaxweynaha cusub waxaa la saadaalinayaa inuu noqon doono musharax mucaarad ah oo hela codadka xildhibaannada taageersan Farmaajo.

Isbaheysiga Siciid Deni la geli karo mid ka mida musharixiinta safka hore ayaa isna saameyn leh, waxaana la saadaalinayaa inuusan weji ku cusub siyaasddda kusoo bixi doonin doorashada 2022.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON