Iyadoo ay maanta bilaabatay diwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilka gudoonka Aqalka sare ayaa waxaa soo baxaya musharaxa loo wado Guddoomiyaha Aqalka sare.
Musharixiinta la hadal hayo waa kuwo kooban, waxaana ugu cadcad xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi, oo lagu wado inuu xilkaasi ku soo baxo xilkaasi oo loo qorsheeyay in beesha Dirta Waqooyi ay yeelato.
Musharaxa guddoomiye hore loogu qoondeeyay inuu xilkan qabto ayaa meesha ka baxay kadib markii beesha Daarood ay xilkan ku weysay qoondada miisaanka beelaha oo keentay in Somaliland ama Dirta Waqooyi la siiyo xilkan.
Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka mida xildhibaanada ugu khibrada badan oo hore ula soo shaqeeyay dowladii hore ee Soomaaliya, isla markaana muddo dheer soo ahaa xildhibaan dowladihii isaga dambeeyay dalka, waxaana lagu tilmaamaa nin xamaasad badan oo hadaladiisu ay qalafsan yihiin.
Sabtida oo ku beegan 21-ka Janaayo ayay musharixiinta jeedin doonaan khudbooyinka Mushrixiinta iyadoo kadib la dooran doono Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Goobjooge.com