Saturday, April 20, 2024

Yaa noqonaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub? (Wasiirada cusub oo looga yeeray)

Maanta ayaa ugu danbeyn la filayaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadib dib u dhac shalay ku yimid xaflad loo diyaariyay.

Liiska Wasiirada ayaa lasii ogaaday, iyadoo intooda badan lagu faafiyey Baraha bulshada, waxaana ku jira wasiiro iyo kuwa cusub, iyadoo siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ay si weyn uga dhex muuqdaan.

Xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa dhaliyay dib u dhac kale markii isbedel lagu sameeyay, waxaana ugu danbeyn kusoo baxaya wasiirkii hore ee Dastuurka Saalax Ahmed Jaamac, iyadoo hore loogu qoray Xasan Cawad iyo xilhdibaan Biixi Magan.

Ad

Wasiirada ku jira Liiska magacaaban ayaa farriimo loo diray, si ay goobjoog uga noqdaan xafladda shaacinta xukuumadda cusub, waxaana loogu yeeray inay saaka tagaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xafladu k dhacayso.

Wararka ayaa sheegaya in Xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barr ay ka kooban tahay 25 Wasiir, balse la kordhiyay wasiir ku xigeennada iyo wasiiru dowleyaasha, meeshana laga saaray Wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka.

Dhismaha Golaha Wasiirada dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Xamza Barre ayaa qaadatay waqtigii ugu dheeraa, iyadoo loo baahday 10 beri oo dheeraad ku ah muddo bil ah oo sharci ahaan uu heystay Ra’iisal wasaaraha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON