Waxaa skii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo xarumaha iyo Shaqaalaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho.
Qaryadii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo markii hore waxyeelada ku koobneyd xarumaha shirkadda, taasoo xaaladda kasii dartay, iyadoo markii ugu horeysay ay shirkadda lafteeda baahineys oo warbaahinta la wadaageyso falalka lagu beegsanayo.
Qarax qasaare culus sababa ayaa shalay ka dhacay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Gaari Noah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud Miino lagu qarxiyay.
Waxaa qaraxaasi ku dhintay Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee degmada Heliwaa, waxaana ku dhaawacmay labo kale oo shaqaalaha shirkadda ka mida.
13-kii Bishan Disembar ayey ahayd markii KM 13, Duleedka Muqdisho lagu qarxiyay Miino Gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud, kaasoo uu ku dhintay Axmed Cumar Cabdile Ismaaciil (Axmed Dhagaweyne) oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkaddaasi.
Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday xarumaha shirkadda ku lahay Xero-Jarmal (Xaruntii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.
Xiriirka Alshabaab iyo Hormuud ayaa la sheegay inuu xumaaday muddooyinkii ugu danbeeyay, balse waxaa la xaqiijiyay inaysan Alshabaab wax lug ah ku lahayn qaraxyada xilligan lagu beegsanayo shirkadda, sida laga soo xigtay xubno ka mida.
Dhinaca kale halka Daacishta Soomaaliya ee xarunteedu tahay Buuraha Golis ee Gobolka Bari, Puntland oo hore olole midkan la mida la gashay Hormuud ayaa la tuhunsan yahay, balse waxaa shaki badan dhaliyay falalka qaraxyada isdaba joogga ah oo kooxdaasi aanay awood hore u lahayn.
Shirkadda Hormuud ayaan sheegin cidda beegsaneysa, mana jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, iyadoo dhinaca hay’adaha Amniga aysan wax tallaabo ah ka qaadin falalkan.