Sunday, July 6, 2025

Yuusuf Garaad oo shaaciyey xilliga la Caleemo saarayo Madaxweyne Qoorqoor.

Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa shaaciyey xilliga ay dhaceyso xafladda caleemo saarka Madaxweyne Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) .

Guddiga qabanqaabada xafladda caleemo-saarka Madaxweyne Qoorqoor ayaa kulan ay yeesheen maanta ku go’aamiyey in xafladda ay dhad 26-ka Maarso 2020 oo ku beegan maalin Khamiis oo ku dhowaad laba toddobaad ay naga xigto.

“Wadatashi Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Soomaalieed ee Galmudug kadib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusa Marreeb, Khamiis 26-ka Maarso, 2020..” ayuu yiri Yuusuf Graad oo farriin soo diray.

Madaxweyne Qoorqoor oo dowladda Soomaaliya ay ku taageerray in xilkan loo doorto ayna kharash ku bixisay ayaa dib u dhac qaatay laba bilood kadib ay dhaceysaa xaflada caleemo-saarkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON