Sunday, February 5, 2023

Golaha Wasiirada oo meel mariyay Heshiis lala galay Dowladda Masar iyo Heshiis maalgashi

Kulanki Golaha Wasiirrada ee toddobaadkalaha ayaa maanta lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga iyo hshiis lala galay dowladda Masar.

Shirka oo uu maanta guddoomiyey Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta.

Ad

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!