Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah maanta la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed, kaasoo looga hadlay is mari-waaga ka taagan Doorashooyinka.
Kulanka kadib waxaa saaafada la hadlay guddoomiyaha ururada bulshada rayidka oo shaaciyey qodobo ay isla garteen Ra’iisal wasaare Rooble iyo Ururrada bulshada rayidka kulankoodii maanta, waxayna kala yihiin:
1- Wuxuu Ra’iisal wasaaraha soo dhoweeyay doorka ururadda vushada iyo culimada ee ku aadan xalinta tabashooyinka la xiirara arrimaha Doorashooyinka.
2- In la joojoyo wax kasta oo khalal gelin kara nabadda io dowladnimada, lagana hortago ereyada xanafta leh iyo ficillada keeni kara xasilooni darrada.
3- In la ilaaliyo, lana fuliyo heshiiskii Doorashada 17- September ay saxiixdeen dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isla markaana wixii tabasho ah ee jira lagu xaliyo heshiiska dhexdiisa.
4- In kulamada noocan ah la joogteeyo.
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa hore uga aqbalay urrurada bulshada rayidka inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ragaadiyay doorashada Dadban ee 2020/2021.
