Monday, July 7, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii Ra’iisal Wasaare Kheyre & Safiirada Midowga Yurub..? [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka SoomaaliyaXasan Cali Khayre ayaa kulan maanta Muqdisho kula yeeshay safiirrada dalalka Midowga Yurub u fadhiyamagaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa Safiirrada dalalka Midowga Yurub kala hadlay xiriirka labada dhinac iyo dardar gelinta taageeradii Midowga Yurub u ballan qaaday Soomaaliya iyadoo dowladda Soomaaliya ay wajaheyso xaalad ciriiri dhaqaale.

Safiirrada dalalka Midawga Yurub ee kulanka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Danjireyaasha dalalka: Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyoIngiriiska.

Kulanka ayaan la sheegin natiijo kasoo baxday, waxaana weli Midowga Yurub aysan bixin dhaqaale ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya oo sanadkan ay ballan qaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON