Monday, June 23, 2025

Wasiir ka tirsan Jubaland oo Qarxiyey halista Mas’uuliyiinta Maamulka ku hayaan Odayaasha

Wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay kashifay hanjabaadda lagu hayo iyo halista ay wajahayaan Odayaasha Dhaqanka Beelaha soo xulaya Baarlamaanka Jubbaland.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland uu odayaasha dhaqanka Beeshiisa u gudbiyey liis magacyo uu doonayo inay xildhibaanno ka dhigaan, isagoo ugu hanjabay haddii dadka uu wato aysan soo xulin inuu tallaabo ka qaadi doono, hanjabaadaasina ay ahayd sida wasiirku sheegay mid xaqiiqo ah.

Inkastoo Wasiirka Qorsheynta aanu magacaabin Wasiirka tallaabadaasi ku dhaqaaqay ayaa haddana waxaa la ogaaday inuu yahay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Jannan, waxaana dad badan oo ka fal celiyey qoraalka Wasiir A-xersi ayaa ku eedeeyay wasiirka inuu u dacwadooday beesha Caalamka, kadib markii uu qoraalkiisa ku xusay Safaaradda Mareykanka, AMISOM iyo UNka xafiiskiisa Somalia.

Ad

Xaqiiqada ka jirta Jubbaland ayaa ah mid halis ah iyo dhaqan soo jiray intii uu talada hayey Axmed Madoobe, kaasoo ah in nidaamka xulista xildhibannada iyo doorashada ay tahay mid an xalaal ahayn oo ku dhisan awood iyo ku shubasho, laakiin eeda uu wasiir Aw-xersi ku gaar yeelay wasiirka saaxiibkiis ah ayaa muujineysa inuu dhinac u xaglinayo, laakiin waxaa qirashadii ugu horeysay ee Wasiir ka tirsan Jubbaland kasoo yeerta.

Waxaa dhowaan magaalada Kismaayo lagu dilay Oday caan ahaa oo dilkiisa shaki badan uu abuuray, waxana dadka qaarkiis ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON