Sunday, June 22, 2025

Ciidamada Dowladda iyo Koox hubeysan oo ku dagaalamay Suuqa Bakaaraha & Afar qof oo lagu dilay..

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox dabley ah ayaa dagaal ku dhex maray suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray suuqa Khaliifa ee gudaha Bakaaraha, halkaasoo is-rasaaseyn ku dhex martay dabley oo maleynayo inay ka tirsan tahay Alshabaab oo bistoolado ku hubeysan, waxaana halkaasi ku dhintay 3 qof oo isugu jira labadii dabley ee hubeysnaa iyo qof shacab ah oo suuqa ka xamaasha, iyadoo askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhaawacmay.

Ciidamada Amniga ayaa xiray goobta uu iska hor imaadka ka dhacay, waxaana in muddo ah xayirmay saaka shaqadii ka socotay suuqa bakaaraha qeybta Khaliifa. Dagaalka dableyda iyo ciidamada amniga ku dhex maray suuqa Bakaaraha ayaa imaanaya iyadoo muddooyinkii danbe ay suuqa ka dhacayeen falal amni darro ah.

Ad

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrintan, iyadoo aanu faahfaahin badan ka bixin, waxayna wararka qaar sheegayaan in dableyda maanta lagu dilay suuqa Bakaaraha ay ka tirsanaayeen ururka Daacish.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON