Wadahadalkii u socday guddiyo ka kala socday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Xilgaasiinta ayaa la isku mari waayey.
Shirarka oo qaarkood saacado dheer qaatay ayaa waxaa labada dhinac ka kala socday min 2 ilaa 3 qof oo wakiilo aan idmaneyn ahaa, waxaana suuqa lasoo geliyay heshiis lagu dhow yahay iyo is-afgarad la gaaray, balse waxaa markii dambe soo baxday in la isku mari waayey laba qodob oo muhiim ah, kadib markii wax tanaasul ah laga waayey dhinaca Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
Guddiga waanwaanta ka dhex waday labada dhinac ee ay hoggaaminayeen Maxamed Mursal iyo Axmed Qoorqoor ayaa wax tanaasul ah ka keeni waayey Maxamed C/llaahi Farmaajo, markii ay xaaladu gaartay in dhinacyada isugu yimaadaan meel Dhexe oo tanaasul ah.
Arrimaha ugu waaweyn ee hor istaagay heshiis la gaaro ayaa ah in Farmaajo iyo Fahad ay diideen dhammaan xubnihii uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble, ayna ku adkeysteen inay iyagu maamulaan NISA oo ay u magacaabaan qof ay ku kalsoon yihiin.
Waxaa shaqeyn waayey dhammaan qodobadii dhexe ee ay soo jeediyeen Guddiga waanwaanta, sida in maamulka NISA uu sii maamulo Jen. Bashiir Goobe, inta laga soo magacaabayo Agaasin ka yimaada labada dhinac oo heshiis lagu yahay.
Waxay kaloo dhinaca Farmaajo iyo Fahad diideen in Wasiirka Amniga ee uu magacaabay Rooble loo bedelo wasaaradii kale ee uu dojono Ra’iisal wasaaraha, balse dhinaca Farmaajo waxaa ku adkeysteen in kaliya laba wasaaradood ay ogol yihiin in loo wareejiyo.
Wadahadalka oo dhinac la iska dhigay arrinta Kiiska Ikraan Tahliil si xal loo gaaro ayaa shaqeyn waayey, kadib markii Farmaajo iyo Fahad ay diideen in Hay’adda NISA uu wax awood ah ku yeesho Ra’iisal wasaaraha ama uu maamulkeeda qeyb ka noqdo qof uu soo magacaabay.
Wasiiru dowle ka tirsan maamulka Galmudug Cumar Shido ayaa farriin uu soo qoray ku caddeeyay inay fashilmeen wadahadalladii, wuxuuna mas’uuliyadda fashilka dusha u saaray dhinaca Farmaajo, isagoo caddeeay in dhinac Rooble ay muujiyeen tanaasul.
“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu yiri Cumar Shido.
