Faahfaahin dheeraad aha ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo caawa lagu qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay laba qarax oo is-miidaamin ah ku qaadeen Maqaayadda Maqaayadda Pearl Peach (Ex. Ocean View) oo la dayac tiray, isla markaana dhowaan dib loo furay.
Qaraxyada kadib waxaa la maqlay rasaas culus, iyadoo ay maqaayada gudaha u galeen dabley ka tirsan Alshabaab, waxaana markaas kadib goobta gaaray ciidamada amniga dowladda.
Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Dowladda Somaliya ayaa laga soo xigtay inay koox hubeysan kula dagaalamayaan Gudaha Hotelka, ayna wadaan howlgal lagu soo afjarayo weerarka oo ah kii ugu horeeyay bilooyin ka dhaca caasimadda.
Dadka qaar ayaa laga soo badbaadiyey maqaayadda, halka dadweyne kale ay ku jiran, waxaana hadda socda howlgal ay ciidamadu ku doonayaan inay dableyda uga saraan maqaayadda.
Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in koox ka mida maleeshiyadooda oo loo yaqaan inghimaasi ay galeen hotelka Pearl Beach oo ay sheegeen inay isugu imaan jireen saraakiisha ciidamada dowladda, ayna gacanta ku hayaan.
Qasaaraha weerarka lama oga, balse dad goobta laga soo badbaadiyay ayaa sheegay inay dhimasho iyo dhaawac ay jiraan.