Sunday, June 22, 2025

Mas’uul Itoobiyaan ah oo kashifay Xog culus oo ku saabsan heshiiskii Muuse Biixi iyo Abi Ahmed

Mas’uul ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa kashifay xog qarsoodi ah oo ku saabsan Heshiiska is-afgaradka ee Itoobiya lagu siinayo Dhul iyo Bad ka mida Somaliland, kaasoo ay Addis ababa ku saxiixeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

La-taliyaha Amniga Qaranke ee Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ninka lagu magacaabo Ridwaan Hussein ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Dowladda Itoobiya ku sheegay in Itoobiya ay aqoonsiga Somaliland ka fekeri doonto, kadib marka lagu wareejiyo Dhulka iyo Saldhigga Badda.

Ridwaan Hussein oo ahaa mas’uulkii heshiiska kasoo shaqeeyay iyo xubnaha ugu dhow Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in Dhulka 20 KM ee la siinayo Itoobiya loogu sheegay degaanka Lughaye.

Ad

Wuxuu intaas ku daray in marka 20-ka KM lagu wareejiyo Itoobiy oo ay helaan Saldhigga milateri ee ciidamada Badda Itoobiya, kadib uu dhici doono in Itoobiya ay qaadato go’aanka ku saabsan Aqoonsiga Somaliland.

La-taliyaha Ra’iisal wasaaraha Itoobiya wuxuu kashigay in Heshiiska ay ku jirto in degaankaasi laga kireeyo Itoobiya muddo 50 sanadood ah, balse ay iyagu rabeen 99 sano ama 100 sano oo laba jiil ah, taasina ay wax weyn u tareyso Itoobiya.

“Dhulka iyo Bad markaan helno kadib ayaan ka fikireeynaa aqoonsiga Somaliland, waxay dhulka noogu sheegeen Lughaye..” ayuu yiri Ridwaan Hussein Lataliyaha Amniga Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

- Advertisement -

Warka kasoo baxay Ridwan Ahmed ayaa qarxiyay shakiyo badan oo laga qabay Heshiiska Muuse Biixi ku bixiyay Dhul iyo Bad ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, waxaana meesha ka baxay sheegashadii ahayd in Itoobiya ay lsi degdega u aqoonsaneyso Somaliland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON